Waqtiga Magaalada Marka
Marka
May 2013
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031 

Sheekooyinka Isboorti ee Jimcaha ugu xiisaha badan ee Caalanka

LONDON: - Kooxda Manchester United oo booqatay aqalka cad ee looga arimiyo Mareykanka.


Thierry Henry oo loo magacabay gool dhaliyihii ugu wanaagsanaa Premier League 20-kii sano ee lasoo dhaafay 
Tababare Arsene Wenger oo kordhiyay qiimaha uu kudoonayo daafaca kooxda Everton Phil Jagielka.

 




Kooxda heysata horyaalka ingriiska ee Manchester United oo wali dalxiis kujoogta waqooyiga America ayaa dhamaan ciyaartooydeedu iyo maamulkedu waxaa ay booqdeen  aqalka cad ee loogaarimiyo mareykanka.

 

Kooxda uu hogaamiyo Tababare Sir Alex Ferguson ayaa siweyn loogu soo dhoweyay aqalka cad ee mareykanka waxaana ay United dooneysay in ay lakulanto madaxweynnaha madowga ah ee mareykanka Barack Obama laakin masuurta galin isagoo kumashquulsan dhaqaalo daro soowajahday Mareykanka Awgii.

Ciyaartooyda kooxda United ayaa la arkayay iyagoo kukaftamaya barxada wayn ee aqalka cad waxaana ay gudaha xarunta looga arimiyo Mareykanka kugaleen sawiro koox koox ah iyadoo Rio Ferdinand uu hoolka shirarka kugalay sawir qaas ah.

Tababaraha kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa sawir gooniya kugalay goob uu kudhagana sawirka madaxweynihii 13 aad ee Mareykanka Millard Fillmore waxaana uu sheegay tababaraha United in uu aad ugu faraxsan yahay in ay booqdaan guriga cad.

Iyadoo xagaga soo aadan Premier league uu 20 jirsan doono tan iyo markii magaciisii hore labadalay ayaa waxaa asbuucan lasoo afjaray xulkii ama 11-kii xidig ee ugu wanaagsaneyd horyaalka ingriiska 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xidigahan oo mid kasta asbuuc loo codeyneyay waxaa codeyntood kaqeyb qaatay maalayiin xiiseysa kubada cagta ingriiska waxaana ugu dambeyntii loo codeeyay xidigii ugu wanaagsanaa nambarka 9 aad Premier League 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka France xidiga hada ee kooxda New York Red Bulls Thierry Henry ayaa loo magacabay gool dhaliyihii ugu wanaagsanaa Premier League England 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Thierry Henry waa mid kamida xidigihii ugu wanaagsanaa ee soomara horyaalka England waa ninka kaliya ee 3 jeer qaatay abaal marinta ciyaariyahanka sanadka ee horyaalka Ingriiska waa ninka ugu goolasha badan kooxda Arsenal waa ninka labad ee ugu golasha badan Premier league England kadib Alan Shearer.

Natiijada Codeyntii loo qaaday  xidigii ugu wanaagsanaa nambarka 9 aad Premier league England 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxay aheyd sidan 40-Thierry Henry, 36-Alan Shearer, 31-Didier Drogba, 29-Ruud van Nistelrooy, 26-Robbie Fowler, 20-Michael Owen, 16-Andrew Cole, 11-Ian Wright, 8-Les Ferdinand, 5-Dwight Yorke.

Hadaba madama ay codeyntii dhamatay taas oo aan idiin soo gubinay ilaa bilawgeedii ayaan halkaan kusoo gubineynaa 11-ki xidig ee ugu wanaagsaneyd Premier league 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Gool haye: Peter Schmeichel.

Daafacyada: : Gary Neville ,Tony Adams, Nemanja Vidic, Ashley Cole.

Qadka dhexe: Cristiano Ronaldo, Paul Scholes, Steven Gerrard ,Ryan Giggs.

Weerarka: Eric Cantona, Thierry Henry.

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger oo hubiyay in xidigihisa qadka dhexe ay joogi doonan ayaa diyaar u ah in uu lasoo saxiixdo 1 xidig oo wanaagsan oo daafaca kaciyaara.
Tababare Arsene Wenger ayaa doonaya in uu lasoo saxixdo daafaca xoogan ee kooxda Everton Phil Jagielka waxaa uu doonaya Wenger in uu kusoo qaato aduun dhan £15million.

Wenger aya goor hore isku dayay in uu soo qaato daafacan laakin waxaa uu rabay in uu kusoo qaato lacag dhan £10milion laakin waa laga diiday waxaa uu markale isku dayay in uu kusoo qaato £12milion hadana waa laga diiday waxaana hada uu ugu dambeyn Wenger kudoonaya xidigan £15million.

28 jirkaan Phil Jagielka ayaa noqday dooqa koowaad ee tababare Wenger laakin waxaa sheekada adkeneysa kooxda uu xidigani katirsan yahay ee Everton oo ayadu xidigan kudoonaysa aduun dhan £18milion.

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Add comment

Security code
Refresh

Muxaadarooyin
____________________________
____________________________
____________________________
_
___________________________
 
____________________________
 
 
___________________________
 
 
 
__________________________
 
 
Facebook Image