Waqtiga Magaalada Marka
Marka
May 2013
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031 

Wararka Sabtida iyo Suuqa kala Iibsiga ciyaartooyda

LONDON: - Saakay oo Sabti ah ayaan waxaan idin heynaa wararki ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda caalamka.

* Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday Cesc Fabregas ay ka reebtay liiska ciyaartooyda ka qeybgalayo koobka Emirates Cup

Arrintaasi ayaa albaabka usii fureyso in laacibkaan heerka caalami ee dalka Spain uu ku biiro kooxda sida weyn u baadi goobeyso ee Barcelona.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa qiray in ciyaaryahankiisa qadka dhexe uu la halgamayo sidi uu kooxda ula qabsan lahaa xilli wali uu sii socdo ismari waayaga ku saabsan ku biiritaanka Barcelona iyo ka tagitaanka Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa la ciyaari doonto kooxda Boca Juniors maanta kulanka hore koowaad ee Emirates Cup, halka berrina ay la ciyari doonto naadiga New York Red Bulls.

* Agaasimaha kooxda Roma Walter Sabatini ayaa xaqiijiyey in saacadaha soo aadan ay la kulmi doonaan saraakiil ka tirsan kooxda Juventus oo si weyn ugu raadjoogto weeraryahankeeda Mirko Vucinic.

Warar soo baxayo ayaa sheegaya in Juve ay ku rabto laacibkan heerka caalami ee dalka Montanegro lacag dhan €18m.

Vucinic ayaa waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Tottenham iyo Manchester United kuwaasi oo diyaar la ah in ay bixiyaan lacagta ay kooxdiisa ku rabto oo ah €20m.

* Sadex laacib oo ka tirsan kooxda Manchester City ayaa ka maseyrtay mushaarka uu qaadan doono weeraryahanka cusub ee kooxda shalay kusoo biiray ee Sergio Aguero.

Aguero ayaa mudada shanta sano ee uu kooxda la joogayo waxa uu qaadan doonaa mushaar dhan £200,000- todobaadkiiba taasi oo ka dhigeyso ninka ugu mushaarka badan ee kooxda.

Ciyaaryahanada ka xanaaqsan mushaarka waxaa ka mid ah laacibka dalka Holland ee kooxda City De Jong, sidoo kale waxaa ka xanaaqsan Kompany iyo Richards.

Xidigahaasi ayaa mushaarka ay qaataan uu u dhaxeeyaa £80,000 iyo £65,000- todobaadkiiba.

* Kooxda Tottenham Hotspur ayaa xalay si lama filaan ah u kordhisay lacagaha ay ku rabto laacibka bartilmaameedka u ah kooxda Arsenal ee Juan Mata.

Wiilkaan garabka midig uga ciyaaro kooxda Valencia ee dalka Spain ayaa waxa ay ku rabtaa Tottenham lacag dhan €25m (£22m), waxaa taasi ay keeni kartaa in Arsenal ay iyana lacagta kordhiso ama ay isaga baxdo tartanka.

Arsenal waxay dooneysaa in ay geliso wiilkaan 23 jirka ah booska la filayo inuu faarujiso kabtanka kooxda Fabregas, waxaana wararku ay sheegayaan in isaga qushiisa uu doonayo Arsenal.

* Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa la filayaa in ay ku dagaalamaan saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Sao Paulo iyo xulka Brazil Lucas.

Wararka ka imaanaya dalka Brazil ayaa sheegaya in 18-jirkaan uu doonayo inuu aado horyaalka dalka Ingiriiska isaga oo doonayo in magaciisa uu ku qoro koox weyn.

Wiilkaan ayaa magaciisa oo buuxa waxa uu yahay Lucas Rodrigues Moura da Silva, sanadki hore ayuu kusoo biiray kooxda koowaad ee Sao Paulo afar kulan ayuu u saftay xulka Qaranka.

Dhianca Talyaaniga ayaa sidoo kale loogaga gacan haatinayaa waxaana doonaya labada koox ee reer Milano ee kala ah AC iyo Inter Milan.

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Add comment

Security code
Refresh

Muxaadarooyin
____________________________
____________________________
____________________________
_
___________________________
 
____________________________
 
 
___________________________
 
 
 
__________________________
 
 
Facebook Image