Waqtiga Magaalada Marka
Marka
May 2013
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031 

Wararkii ugu danbeeyay kala iibsiga Ciyaartoyda Caalamka

kooxda Barcelona ayaa aslanba meesha ka saartay in aysan iibin doonin laacibkeeda garabka ugu ciyaaro Ibrahim Afellay.


Wargeyska Talksport ayaa ku waramay in 25-jirkaan u dhashay dalka Holland ay ku hungoobeen kooxaha Tottenham iyo Liverpool oo baadigoob ugu jiray.

"Afellay halkaan ayuu kusii nagaan doonaa ee Spain maxaa yeelaywuxuu ku faraxsanyahay Barcelona," Talksport ayaa sidaasi kasoo xigtay wakiilkiisa oo la yiraahdo Robert Jansen – kaasi oo intaasi ku daray: "Waa caadi in telefoono ka hesho naadiyada iyaga oo kaa doonaya ciyaaryahan laakin ma jirto sabab aan u iibino Barcelona wax shaki ah kagam jiro mustaqbalka ciyaaryahankaan."

* Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Faransiiska Karim Benzema ayaa meesha ka saaray inuu kusii jeedo kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska kadib marki shalay ay soo baxeen warar sheegaya inuu halkaasi aadayo.


Wiilkaan 23 jika ah ayaa la halgamayo sidii uu boos joogta ah uga heli lahaa kooxda uu leyliyo macalin Jose Mourinho waxaana dad badani ay saadaalinayaan inuu dhamaanayo waayihisii ee garoonka Bernabeu.

Wareysi uu siiyey warheyska caanka ah ee dalka Faransiiska  L'Equipe, ayuu Benzema ku beeniyey wararka sheegaya inuu qarka u saaranyahay kooxda ka dhisan garoonka Emirates ee Arsenal.

"Booskeyga waxa uu yaalaa naadigaan, waligeey lam aanan hadlin Mr Wenger ama qof kale oo ka tirsan kooxdaasi, waxaan doonayaa in aan u riyaaqo guulaha koxodaan ay halkaan ku gaarto," ayuu yiri.

Benzema ayaa ah laacibiinta sida aadka ah loo hadalhayo in ay aadayaan Arsena, sidaasi si la mid ah waxaa loola xiriirinayaa Arsenal ciyaaryahanada kala ah Juan Mata, Phil Jagielka iyo Eden Hazard.


* Maanta oo Jimcaha ah ayaa lagu wadaa in ay kulmaan madaxa farsamaha ee kooxda Arsenal Ivan Gazidis iyo saraakiil ka tirsan Barcelona iyaga oo ka xaajoon doono arrimihi ugu danbeeyey ee Cesc Fabregas.

BBC Sport ayaa ogaatay in Arsenal aysan wali helin dalabki labaad ee Barcelona kaasi oo ka sareeyso £27m oo ah dalabki koowaad ee Barca dirtay bishi hore.
Laakin Arsenal waxa ay diyaar u tahay in kabtankooda 24 jirka ah ay iibso hadii ay hesho dalab dhan £40m .

* Manchester City ayaa ka shanqarisay inuu hada soo ifbaxay qilaaf weyn oo soo kala dhexgalay weeraryahanka kooxda Inter Milan Samuel Eto’o iyo macalinkiisa cusub taasi oo wada u xaari karto in ay lasoo wareegaan.

Macalinka Manchester City Roberto Mancini ayaa doonayo in Carlos Tevez uu ku badasho ciyaaryahan dalka Cameroon Eto'o, oo u dhaliyey kooxda Inter Milan 37 goals xilli ciyaareedki lasoo dhaafay.

Kooxda ka dhisan horyaalka Serie A ayaa dhawaan shaacisay in Eto’o uusan iib ka aheyn iyada oo ka diiday dalab weyn kooxda ka dhisan dalka Rushia ee Anzhi Makhachkala.

Laakin hada waxaa soo ifbaxayo in laga yaabo in ay iska fasaxdo kadib marki uu soo baxay muran xoog leh oo soo kala dhexgalay ciyaaryahanka iyo tababaraha Inter Gian Piero Gasperini oo ahaa laacibki hore ee kooxda Barcelona.

Muranka ayaa la xiriiro qaab ciyaareedka uu doonayo in macalinka cusub uu ku ciyaaro oo ah 3-4-3 taasi oo uu dhaliilsanayahay Eto'o.
* Ugu danbeyntii kooxda ka dhisan caasimada dalka Faransiiska ayaa dalab u dirtay laacibka garabka uga ciyaaro naadiga Liverpool Cole.

Xidiga dalka England Cole ayaa wajahayo mustaqbal aanan sal dhigneyn ee kooxda Liverpool, iyadoo aanan la hubin inuu boos joogta ah siin doono macalin Kenny Dalglish waloow uu safnaa ciyaarihi saaxibtinmo ee kooxda qiyaartay dhawaan.

Kooxda PSG - oo hada qarash xoog leh gacanta ku heysato marki ay gadatay shirkad laga leeyahay dalka Qatar ayaa la rumeysanyahay in ay beeca xorta ah uga soo qaadan doonto xidigaan kooxda Liverpool, waxaana uu heli doonaa mushaar dhan £90,000- todobaadkiisa.
Cole, oo ah 29 jir ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbali doono dalabka kooxdaasi ka dhisan dalka Faransiiska.

 

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Comments 

 
0 #1 feysal 2012-10-15 08:37
waad ku mahadsantihiiin inaad noosoo gudbisaan wararki ugu dambeeyey ee caalamka kuna saleysan xaqiiqda .
Quote
 

Add comment

Security code
Refresh

Muxaadarooyin
____________________________
____________________________
____________________________
_
___________________________
 
____________________________
 
 
___________________________
 
 
 
__________________________
 
 
Facebook Image